Duuliye IMAARAATI ah oo la sheegay inuu 3 todobaad wax ka duqeeyay Marinka Gaza (Kashifaad lama filaan ah)

Weriye Yuhuudi ah oo la yiraahdo Edy Cohen ayaa kashifay arrin lama filaan ah oo ah in duuliye dagaal oo Imaaraati ihi uu ka qayb qaadanayay duqaynta Marinka Gaza muddo 3 todobaad ah, weliba xilli uu qaab tababar ah ula joogey Ciidamada Cirka Yuhuudda, isagoo baranayay dayuurad nooceedu yahay F-35.

Ninkan ayaa Twitter-ka ku beeniyay, Taliye Xigeenka Booliiska iyo Amaanka Dadwaynaha, Jeneraal Dhahi Khalfan, kaasoo dafiray inuu duuliye Imaaraati ihi ka qayb qaatay duqaynta Marinka Gaza.

Cohen ayaan intaa ku harine xitaa Khalfan ku eedeeyay inuu ahaa ninkii ka dambeeyay in madixii Xamaas lagu khaarajiyo Dubai 2010-kii.

Dhacdadan ayaa ku beegnayd Agoosto 2018-kii, waxaan isa soo taraya aragtida ay Muslimiintu ka qabaan Imaaraadka oo u muuqda dal ay ka taliyaan dad halis ku ah danaha Muslimka, waxaana maalin dhowayd soo baxay baaq ay soo saareen 87 mufti oo ku baaqay in la qaaddaco Imaaraadka oo sidoo kale haatan QM ku haysato inuu duqeeyay qaxooti ay Soomaali ku jirtey oo ku jirey xero ku taalla Libya.