2030-ka Soomaaliya sidey ahaan doontaa – Faallo

30-ka sanno ee soo socota soomaaliya ayaa marti galin doonta dowladaha ugu xoogga weyn caalamka sida mareykanka,ruushka,shiinaha,kuuriyadda waqooyi,turkiga iyo kuwo kale oo badan.

Qaar ka mida dalalkan hadda saaxiibo dhow ayay la yihiin soomaaliya waxaana ay taageero siiyaan dowlada faderaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Soomaaliya oo ku taalla meel istaraatiiji u ah qaaradda afrika ayay dalalka caalamka u arkaan fursad kale oo ay ku balaarin karaan ganacsigooda.

Lahaanshaha xeebta ugu dheer qaaradda afrika, ku noolaanshaha cimilada iyo istaraatiiji ahaan ayay kulansatay soomaaliya waana mida ku soo jiideysa dalalka caalmka in ay hadda ku loolamaan xiriir wadaagga soomaaliya.

Turkiga oo loo arko awooda keliya ee hadda soomaaliya saaxiibka dhow la ah ayaa durba gacanta ku dhigay goobo muhiim u ah ganacsiga sida dekeda weyn ee muqdisho, maamulka guud ee garoonka diyaaradaha aden cabdulle cismaan, dhismaha saldhiga ugu weyn qaaradda afrika kaas oo uu ka dhistay agagaarka xeebta jaziira,safaaradda turkiga ee soomaaliya oo uu ka dhistay agagaarka xeebta liido kuwaas oo dhamaantood ah meelo istaraatiiji ah.

03-dii  bishii juun  ee sanadkii 2016 ayuu madaxweynaha turkiga raceb tayyib erdogan soo gaaray muqdisho isagoo xariga ka jaray safaaradda uu turkiga ku leeyahay soomaaliya.

Wax ayna aheyd booqashadii 3-aad ee uu ku yimaado soomaaliya 25-janaayo 2015 ayuu yimd soomaaliya halka 19-kii bishii agoosto 2011 uu raceb tayyib erdogan isagoo ra’iisul wasaare ah soo gaaray muqdisho

Turkigu hadda waxa uu u muuqdaa in uu ku adkaaday loolanka caasimadda taas oo ah halka dhaqaalaha ugu badan ee dalka uu ka soo xaroodo.

Abaartii soomaaliya ku dhufatay 2011ayuu turkigu ahaa dowladii ugu horeysay ee gargaar bini aadanimo iyo taageero la garab istaagta soomaaliya taas oo xilligaas la tacaaleysay abaar daran oo xaalufisay dadka iyo duunyadda.

Intaas wixii ka danbeeyay turkigu waxa uu saaxiib dhow la noqday soomaaliya.

Dhismaha qaar ka mida wadooyinka, tababar siinta ciidanka xoogga dalka, hirgalinta goobo waxbarasho iyo cisbitaallo ayuu turkigu ka hirgaliyay soomaaliya haba ugu badnaatee kuwo uu ka dhisay caasimadda taas oo kor u qaaday xiriirka soomaaliya iyo turkiga.

Turkigu hadda waxa uu Isfahan wanaagsan kala dhexeeya dadka soomaaliyeed.

10/% ardeyda soomaaliyeed ayaa bartay luuqada turkiga taas oo markii hore aysan jirin xiiso gaar ah ay u qabeen barashada luuqadda turkigu.

Ardeyda qaar kood ayaa hadda ka shaqeeya goobaha uu turkigu maamulo waana taas sababta ay ardey badani ugu dhiiranayaan barashada luuqada turkiga oo ay u arkaan fursad ay shaqo ku heli karaan.

Mareykanka

Mareykanku waa awooda dhaqaale,military iyo siyaasad ee caalamka ka jirta.

Mareykanka xiriir ka saameyn badan turkiga kuma lahan soomaaliya balse hadda waxa uu abuurayaa siyaasad fur-furan oo uu saaxiib dhow kula noqon karo soomaaliya.

Mareykanku waxa uu taageero dhaqaale siiyaa dowlada faderaalka soomaaliya isagoo bixiya inta badan dhaqaalaha ay ku socdaan howlaha dowlada.

Waxa uu mareykanku saldhig military ku leeyahay garoonka diyaaradaha ee bali doogle kaas oo ku yaalla gobolka shabeellaha hoose halkaas oo uu ka qaado duqeymo dhinaca cirka ah  kuna bartilmaameedsado goobaha ay ku sugan yihiin al-shabaab.

Mareykanka oo ka mida shanta dal ee heysta codka diidmada ee qaramada midoobay ayaa saldhig kale ku leh dalalka deriska la ah soomaaliya sida jabuuti iyo Ethiopia.

Shiinaha

Shiinuhu waa dalka 1-aad ee hadda caalamka ugu saameynta badan dhinaca ganacsiga waxaana uu xiriir wanaagsan la leeyahay qaaradda afrika.

Soomaaliya, shiinuhu dib ayuu u soo celiyay xiriirkii uu la lahaa dalkan ku yaalla geeska afrika waxaana uu qeyb ka yahay dowladaha ku loolama in ay saldhig military,ganacsi iyo isdhexgalba ku yeeshaan soomaaliya.

Bishii diseembar ee sanadkii 2018 ayay Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda xukuumadda faderaalka soomaaliya shati kalluumeysi siisay shirkadda COFA oo laga leeyahay dalka shiinaha taas oo xeebaha badda soomaaliya ka  jilaaban doonta kalluunka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan nooca kalluun ee la yiraahdo tuna oo ah mid qaali ka ah suuqyada caalamka.

Shinuhu hadda waxa uu shirkadihiisa ku boorinayaa in ay ganacsi ku sameystaan soomaaliya iyadoo ay xusid mudan tahay in shirkad laga leeyahay shiinaha ay dhiseyso dekeda hobyo ee gobolka mudug.

Shiinuhu waxa uu saldhig military ku leeyahay dalka jabuuti oo deris la ah soomaaliya waana mid kaloo awood dhaqaale heysta.

Ruushka

Saameyn badan kuma lahan soomaaliya tan iyo markii uu dhacay dagaalkii 1977-kii dhexmaray soomaaliya iyo itoobiya markaas oo ruushku ahaa saaxiibka dhow ee soomaaliya isagoo tababaro siiyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka,si la mida waxa uu ruushku ahaa mid ay is qabteen soomaaliya markii ay soomaaliya ka biyo diiday in ay joojiso dagaalkii ay afka ciida ugu dartay itoobiya.

Dhowaan ruushka waxa uu sheegay in uu dib u soo celinayo safaaradii uu ku lahaa soomaliya taas oo waji kale u yeeleysa siyaasadaha isdiidan ee ruushka iyo mareykanka oo labadoodaba ay hadda ku loolamayaan qaaradda afrika.

Vladimir putin madaxweynaha ruushka ayaa la rumeysan yahay in uu fahansan yahay istaraatiijiyada ay soomaaliya u leedaha qaarada afrika.

Ugu danbeyn soomaaliya waxa ay u muuqataa mid gali doonta 30-ka sanno ee soo socda siyaasad ka duwan tan hadda ay isticmaasho iyadoo marti galin doonta dalal awood ahaan aad isku garbiya.

Dalalka deriska la ah ee soomaaliya ee Kenya iyo itoobiya ayaa hoos uga dhici doona maqaamka ay hadda dalalka caalamka ku leeyihiin taas oo loo sababeybeynayo danaha ay dowladaha caalamka ka leeyihiin soomaaliya mana u arkaan itoobiya iyo Kenya in ay yihiin dalal ay ugu guuleysan karaan danahooda.