African Union oo ka horyimid Raysal Wasaare Rooble

Warqad kasoo baxday Xafiiska guud ee Africa Union ayaa sheegatay inay diideen cayrintii kasoo yeertay Xafiiska Rooble. Warqada ayaa si cad u sheegtay in Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu san ka qabin wax dacwo ah wadashaqaynta wakiilka AU Mudane Fransico Madeira. sidaa darteena aysan wax dhag jalaq ah usiin Warqada Cayriska ah ee Madera.

Raysal Wasaare Roble ayaa warqad toos xafiiskiisa kasoo baxaday maalintii arbacadii aahayd ayaa sheegtay in Wakiilka Qaramada Midoobay uu wadanka uga baxo 48 saacadood gudahoo dalka uga baxo.

Warqadaas tooska uga soo baxday Xafiiska Rooble ayaa waxaa markiiba ay kadis iyo lama fi;aan ku noqotay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Wasaarada arimaha dibada.

Waxaa Villa Somalia iyo Wasaarada Arimaha Dibada ay markiiba baarid iyo xiriiro la sameeyeen xafiisaka Rooble iyo Xafiiska Madera ee Xalane.

Xafiiska madaxweynaha iyo Wasaarada Arimaha Dibada ayaa kultilmaamay in warqadaas ay tahay warqad hareer marsan sharciga dalka iyo mida Qaramada midowday.