Dowlada Maraykanka oo war ka soo saartay Dilkii Wariye Kaashuqji

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in dilkii wariye Jamaal Khaashuuqji ay ku luglahaayeen qoyska Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan amarada dilka uu wax ka bixiyay dhaxalsugaha maamulka Sacuudiga ee Maxamed Bin Salmaan.

Waxay wararku intaasi ku darayaan in dowlada Mareykanka ay xayiraad dhanka safarada ah saartay dadkii ka dambeeyay dilka Khaashuuqji ee ka midka ah qoyska talada dalka Sacuudiga haya.

Inta aan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Khaashoqji wuxu u dhexeeyey Dalalka kala ah Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.

Wuxu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 kii ka dib markii xurguf siyaadeed ay soo kala dhexgashay isaga iyo maamulka Boqortooyada.

Dalalka dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanayeen in ka badan 1.6 milyan oo qof.

Ninkan 59 jirka ahaa wuxu xirfadiisa weriyenimo ka bilaabay Sucuudiga sannadkii 1985-kii markuu jaamacad Maraykanka ku taal ka qalin jabiyey.

Wariye Khaashuuqji ayaa lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudiga ee dalka Turkiga Bishii Ocrober 2018 kii, waxaana dilkiisa loo adeegsaday baangado iyo , dilka ayaa yimid ka dib shirqool qorsheysnaa oo ay wada maleegeen shaqaalaha Qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay Turkiga gaar ahaan Istanbuul, islamarkaana ay amarka bixinayeen Qoyska Boqortooyada, maadaama Khaashuqji, uu ka soo horjeeday Maamula sucuudiga.

Dilka jamal khaashuqji Waxaa in muddo ah aad looga hadalhayay warbaahinta caalamka gaar ahaan ku wooda ugu afka dheer.

Madaxweynihii tagay ee Mareykanka Donald J Trump ayaa ka leexleexday eedda iyo mas’uuliyada qoyska Boqortooyada ee ku aaddaneyd dilka wariye Khaashuuqji, balse warkan kasoo yeeray dowlada Mareykanka ee uu hoggaankeedu hayo madxweyne Joe biden ayaa kaga dhigan qoyska Aala Sacuud mid dhabarjab siyaasadeed ku ah, xilli ay malaayiin lacag ah ku bixiyeen sidii loo dabooli lahaa Dilkii wariye Khaashuqji, oo markii ugu dambaysay gudaha u galay Qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Turkiga gaar ahaan Istanbuul