Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka hadlay xaalada Soomaaliya

Brof Ismaaciil Hurre Buubaa oo ku sugugan Magalada Hargaysa, ee Maamulka Gooni ugoosadka, ayaa ka hadalay xaalada Soomaaliya.

Raysaal wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, islamarkana hada ka mid ah xisbiga Wadani ee Maamulka gooni u Goosadka ayaa aaminsan in Soomaalda ayasan u wanaagsanayn mar xalada hada ay ku jiraan ee ah in Maamul kasta uu istaago Goonidiisa.

Hurre ayaa dul istaagay in maanta Soomaalida ay wax laqaybsadaan Dowaldadaha dhaca Geeska Africa, islamarkana ay ka faa’iidaystaan khayraadka dhex ceegaaga Gayiga Soomaalida

Sidoo kale waxuu intaasi raaciyey Hurre in si wada jir ah Soomaalida wax u qabsato, islamarkana laga taliyo masiirka umada Soomaaliyeed, iyadoo lagu dadaalayo isku soo dhawaynta umada Soomaaliyeed.

Maamulka Gooni u goosadka ayaa aamin san in ay yihiin dal ka madax baanan Soomaaliya inteeda kale, islamarkana shacabaka ku dhaqan Haragaysa ay ka dhaadhiciyeen shaqasiyaad wata dano gaar ah.

Tan iyo markii Dowlada Soomaaliya Meesha ka baxday, ayaa waxaa kala qaybsamay Soomaalida iyadoo qays kasta uu soo xirtay xaydaab uu ka taliyo, taasi oo ka dhigan meel lagu caburiyo qaar ka tirsan shacabka Soomaaliyeed, balse Huure ayaa soo jeediyey in Mamaamulada ay ka shaqeeyaan Midnimada Umada Soomaaliyeed