Congress-ka oo u codeeyey xil ka xayuubinta Trump

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa shalay u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay oo kaliya toddobaad.

222 xildhibaan oo Dimoqoraadi ah, iyo 10 ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynaha, ayaa Haa ugu coddeeyay mooshinka lagu dalbay in xilka looga qaado madaxweyne Donald Trump, halka 197 dhammaantood ah Jamhuuri ay diideen mooshinkaasi.

Madaxweyne Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo labo jeer dacwad xilka xayuubin ah uu Aqalka Wakiillada Maraykanku kusoo oogo, iyadoo xilligan lagu eedeeyey inuu kiciyay kacdoon rabshado watay oo ka dhan ah dowladda Maraykanka.

Dacwaddan xilka ka xayuubinta ayaa timid toddobaad ka dib markii koox careysan ay xoog ku galeen xarunta Aqalka Wakiillada Maryakanka, xilli ay socotay ansixita guushii Joe Biden uu ka gaaray doorashada. 5 qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay Aqalka Congress-ka.

Madaxweyne Trump ayaa isagu toddobaadkan sheegay in khubadii uu u jeediyay taageerayaashiisa toddobaadkii hore ka hor inta aysan galin gudaha Aqalka Wakiillada ay khudbadaasi ahayd mid sax ah.

Nancy Pelsoi, afhayeenka Aqalka Hoose oo codeyntaas kadib warbaahinta la hadashay ayaa tiri. “Maanta, qaab ay labada xisbiba kuwada jiraan, wuxuu Aqalka hoose muujiyay inaanu jirin qof sharciga ka sareeya, xitaa madaxweynaha Mareykanka.”

Go’aanka Aqalka hoose ayaa loo gudbin doonaa golaha Senate-ka, laakiin golahani ma bilaabi doono maxkamadeynta dacwaddan kahor 20-ka Janaayo, marka Joe Biden uu qabto xilka madaxweynenimada, taasoo la micno ah in Trump uu ka badaabdi doono in si ceeb ah xoog looga saaro Aqalka Cad.