Tallaalka Covid: WHO oo ka digtay ‘dhaqan xumo musiibo sababta’

Dunida waxay wajaheysaa dhaqan turid la’aan ah sababo la xiriira sinnaan la’aan dhanka siyaasadaha tallaalka Covid, waxaa sidaas ka digay madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).
Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in aysan caddaalad ahayn in dhalinyarada, dadka caafimaadka qaba ee dalalka qaniga ah inay tallaalka helaan kahor dadka nugul ee ku nool dalalka saboolka ah.
Wuxuu sheegay in 39 milyan oo xirmooyin tallaal ah lagu bixiyay 49 dal oo qani ah – balse hal dal oo sabool ah uu helay keliya 25 xirmo.
Dhanka kale, WHO iyo Shiinaha ayaa labaduba lagu eedeeyay sida ay uga falceliyeen fayrasla Covid-19