AMISOM oo 1,000 askari laga dhimi doono .

MUQDISHO ( SAREEYE FM ) Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinimadii Jimcaha ee shalay go’aamiyay in ciidamada Amisom ee jooga dalka Soomaaliya laga dhimo 1.000  asksri.

Golaha ayaa si wadajir ah ugu codeeyay in hoos loo dhigo tirade ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya , laakiin Golahaasi ayaa la sheegay in uu u furan yahay albaabka si dib loogu eego go’aankaas haddii ay soo baxaan Qatar ama dhibaato kale.

Qaraarka dhimista ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya waxaa soo gudbiyay dowladda Ingiriiska,iyadoo ciidamadaasi ay ahaayeen bishii la soo dhaafay ee Febraayo 19,626 Askari.

Ciidamada AMISOM ,oo la aasaasay sanadkii 2007,waxay isugu jiraan Askar ka socota dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda,kuwaas oo ka howlgala Konfurta iyo Bartamaha Soomaalia.