Biden oo kulankii u horreeyay la yeelanaya madaxda ururka G7, ISlamarkana arimo xaasiya kala hadli doona

Madaxweyne Joe Biden ayaa kuklankiisii ugu horreeyay maalinta Jimcaha la yeelan doona hoggaamiyeyaasha ku bahoobay ururka G7, si ay uga wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin caabuqa COVID-19, dhaqaalaha guud ee dunida iyo la macaamilka Shiinaha.

“Wada hadalkan fogaan aragga ah ee lala yeelanayo madaxda hoggaamisa dalalka dhaqaaladoodu uu ku saleysan yahay suuqa xorta ah ayaa fursad u sıinaya madaxweyne Biden inuu kala hadlo qorshaha looga guuleysan karo cudurka faafa ee COVID-19 iyo dib u habeynta dhaqaalaha adduunka,” ayaa lagu yiri war murtiyeedkii ka soo baxay Aqalka Cad.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Biden uu diiradda hadalkii ku saari doono jawaab caalami ah oo ku saabsan soo saaridda iyo qeybinta tallaalka COVID19, sii wadista dadaadalada ku saabsan abaabulka iyo iskaashiga ka dhanka ah halista cudurada faafa ee soo ifbaxaya, iyadoo dib u habeyn lagu sameynayo awoodda dalka iyo maalgalinta amniga.

Biden oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga ayaa 20-kii Janaayo xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku howlan inuu soo diyaariyo farriinta dib ula falgalka dunida iyo hey’adaha caalamiga ah kaddib 4 sanadood oo madaxweynihii ka horreeyay ay halkudhig u aheyd “America First.”

Trump wuxuu Mareykanka ka saaray hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo heshiiskii isbaddalka cimilada ee Paris, isagaoo sidoo kale ku jees-jeesay ururro iyo koox dhinacyo badan Mareykanku iskaashi kala lahaa.

Madaxweyne Biden wuxuu Mareykanka dib ugu soo celiyay hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO, isagaoo sidoo kale dib ugu biiray heshiiskii Paris, Isla markaana muujiyay rabitaan ah inuu la shaqeeyo xulufadiisa, si looga hortago Shiinaha.

“Madaxweyne Biden wuxuu sidoo kale kala hadli donaa baahida loo qabo maalgashiga, si loo xoojiyo tartanka guud iyo muhiimada ay leedahay in la cusbooneysiiyo xeerarka adduunka, si wax looga qabto caqabadaha dhaqaale; sida kuwa ka yimaada dalka Shiinaha” Ayuu yiri Aqalka Cad