Daawo Sawirada : Qaabka Puntland ula Wareegtay Xeradii ciidanka Somaliland ee Badhan iyo Sarkaalkii Haystay

Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag  Gaashaanle Dhexe Guray Cismaan Saalax iyo Ciidankiisii ayaa ka maanta baxay Somaliland, waxayna ku biireen Puntland.

Xerada ciidamada Somaliland ee Badhan ayaa laga taagay calanka Puntland, Waxaana Kormeer maanta ku tagay  masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Sidoo kale Taliyihii ciidamada Badda ee Degmada Laasqoray Mr.Casaanyo ayaa isna ku biiray Puntland, waxaa kaloo lay sheegay in guddoomiyaha degmada Badhan ee Somaliland Cabdullaahi Cabdi Faatax isna uu u wareegey Puntland balse berri uu hadli doono.

Afhayeenka Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac ‘Deperani’ oo arintaasi ka hadlay ayaa yidhi “Ugu danbeyn waxaan ku guuleysanay in Taliyihii Ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay kusoo wareegaan Dowladda Puntland”.

Taliye Gurey Cismaan Saalax iyo Ciidankiisu waxay Somaliland uga dhignaayeen Derbi aan la mari Karin, Kuwaasi oo Puntland wax badan ka hortaagnaa Inay Saamayn ku yeelato Sanaag Bari, Shacabka  Qaybihiisa kala duwan ayaa Dhankooda sameeyay Dabaal deg iyagoo Sawirro kula galay Taliyaha Suuqyada magaalada Badhan

Taliyaashii ciidamada Millateriga ee 91aad iyo 116aad ee gobolka Sanaag ee Somaliland, Taliye joogay aagga Degmada Dhahar iyo guddoomiyihii gobolka Badhan ee Somaliland ayaa bilowgii sannadkan iyana ku biiray Puntland.