Dad haystay jinsiyadaha dalal kale oo ku dhintay weerarkii kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii ku ka dhacay Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen.
Madaxweynaha ayaa sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka
Kenyan 3 qof.
Canadian 1 qof.
British 1 qof.
American 2 qof.
Tanzanian 3 qof.
Dadka halkaasi ku dhintay waxaa kamid ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland laguna magacaabo Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo horey u ahaa xildhibaan iyo wasiir federal ah
Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.


Madaxweynaha Axmed Maxamed Islaam ayaa si gaar ah tacsi ugu diray eheladii uu ka baxay Xildhibaan hore hadana ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac fariid iyo marwadiisa hodan naleeye isagoo ilahay uga baryay dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna wuxuu u rajeeyay caafimaad taam ah.

Madaxweynaha ayaa shacabka reer kismaayo uga digey inay ka feejignaadaan goobaha falalkan oo kale ay ka dhacaan oo ay ka dheeraadaan si ayna khasaaraha usii badinin.


madaxweynaha ayaa waxaa uu sidoo kale faray Hay”adaha amaanka in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan sida ay wax u dheceen dibna shacabka ay ula wadaagaan wuxuuna madaxweeynuhu ugu baaqay dhamaan umada sooamliyeed iyo bulshada caalamka in ay ka qeeybqaataan gurmadka uu maamulkisu u fidinayo dadakii ku waxyeeladu ka soo gaadhay.