Dagaalo Xoogan Oo Dib Kaga Qarxay Gobalka Sanaag

faahfaahino dheeraada ayaa kasoo baxayo Dagaal xoogan Oo markale maanta dib kaga qarxay deegaanka ceel-afweyn ee gobalka sanaag

Dagaalkan oo u dhaxeeyo laba beelood oo walaalo ah oo wada daga gobalka sanaag waxaa ka dhashay qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay maleeshiyaadka halkaasi ku dagaalamaya

Sida ay goobjoogayaa inoo xaqiijiyeen waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas xoogan uu ay is dhaafsanayaan labada dhinac.

Majirto cid ilaa iyo hada dhax-gashay beelaha walaalaha ah ee kuwada dagaalamayo deegaanka ceel afweyn ee gobalka sanaag.

Si kastaba dagaalkan ayaa sida lo ogyahay waxa uu salka ku hayaa dagaal maalin kahor ka qarxay deegaanka Duud-carraale kaas oo isna sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jirta..