Dawladda Soomaliya oo Si kulul uga hadashay inuu jiro kulan dhexmari doono Madaxda Somalia iyo Kenya

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa beenisay inuu jiro kulan ay Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Kenya Uhuru Kenyatta ay ku yeelanayaan 13-ka bishan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uusan jirin kulan u qorsheysan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo ka dhacaya Magaalada Addis Ababa.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay in wasaaraddiisu qaabilsantahay Arrimaha dibadda wararkaasna ay yihiin kuwo laga been abuurtay.

maalmoihii la soo dhaafay ayaa Qaar kamid ah warbaahinta Soomaaliya  ay baahinayeen in magaalada Addis ababa ku kulmayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru, Taasi oo hada isugu soo Biyo shubatay war aan waxba ka Jirin.

Inta badan Warbaahinta Somaalida oo ay ka Muuqato Xirfad la’aan  iyo Xog baadhis ayaa soo Min guuriya Wararka ay Qorto Warbaahinta Kenya.