Deg deg : kenya oo si deg deg ah u joojisay Murankii ay ku furtay Badda Soomaaliyeed

Dowlada Kenya ayaa shaqo joojin ku sameysay Qarenadii ay u dirsatay inaay difaacaan Muranka kenya ay galisay Badda Somaliya.

Codad Sir ah oo sareeye Fm ka Heshay qaar ka mid ah qaraanadii shaqada laga joojiyay  ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay ka haleen warqad dib loogu wargalinaayo iney shaqada sii halikiyaan .

Si aan ogaano sababaha qaranadii u doodayay kenya shaqada looga joojiyay ayaan helnay Cadeymo Sax ah oo muujinaaya iney kenya Qaadatay Go’aan ah in dib logu dhigo dhageysiga Dacwada badda .

Aqbalida & iyo kanoqoshqada Codsiga ay kenya direyso waa mid u taal ICJ , balse Somaliya ayaa qaadan Doonto Go’aankii hore ee ahaa iney diyaar u tahay dhankeeda in la dhageesto Dacwada badda ay kenya ka gudbisay .

Warar kala duwan oo aan soo xiganay ayaa sheegaya in kenya ay Maxkamada ICJ ka dalban doonto mudo ku dhaw sanad   ilaa sanad iyo bar dib u dhigeyso Muranak ay ka wado Biyaha Somaliaya waliba waxey ku soo aadineysaa xiliga Somaaliya ay u isku diyaarineyso DOORASHOOYIN madaxtinimo

Kenya ayaa dooneysa xiligani in laga hor wareejiyo Dowlada uu hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo taasoo laf dhuun gashay ku noqotay danaheeda

Kenya si ay u hesho badda Soomaaliyeed waxey u maratay habkasta oo ay wax ku muquunin karto soomaaliya   waxeyba isku deyeysaa in Xiliga Doorashada ay Qarashaadkeda ku bixiso Siyaasiyiinta Soomaaliya & Xildhibaanada si aysan u soo laaban Madaxda iminka talada heysa .

Taasi waxa Cadeyn kaaga filan sida Dowlada Somaliya ay cunaha ugu dhagan tahay kenya

Lama oga waxa ku kalifay kenya in ay dib u dhigto dhageysiga dacwada ee badeena ayaa wararka qaar waxey sheegayaan in kenya ogaatay ineysan sii wadi karin dacwadasaasi madama lacagna ay ku socoto isla markaana Soomaaliya loo xukumi doono badeeda

Mudo bil gudaheeda kenya waxey soo saartay in ka badan 10 warsaxafdeed oo ka dhan Soomaliya kuwaasoo midba midka ka kale ka kulul yahay , halka Soomaliya wali ay taagan yahay go’aankeedii hore ee ahaa ineysan marnaba gorgortan ka galeynin biyaha Soomaaliyeeed taasoo diplomasiyon badan ay u riyaaqeen