Faalo:- Kenya oo qorshayaal kala duwan u adeegsaneeyso kiiska Bada

Maxkamada caalamiga ah ee ICJ ee magaalada hauge ee wadanka Netherland ayaa go’aami doonto 9-September 2019 khilaafka badeed ee u dehxeeya Soomaliya iyo Kenya oo soomaliaya ay gudbisay sanadkii 2014
Dowlada dalka kenya oo duulan ku ah bada Soomaliya ayaa waxaa warbixin ka qoray wargeeyska Daily Nation wuxuuna soo bandhigay qorshayaasha ay dowlada kenya dooneyso in ay adeegsato si ay Soomaliya uga guuleysato dagaalka dhanka badda ah ee dacwadiisu haatan taalo maxkamda aduuka ee Hauge .
Hadaba dhageeysiga dacwada muranka u dhexeeya Soomaiya iyo Kenya ayaa maxkamada aduunka ee Hague markale la horkeeni doona 9-9-2019 ayadoo ay dacwadaan soocon doonto ilaaa ilaaa 13-Septemter


wargeeyska Daily Nation aya warbixin dheer ka qoray qorshayaal ay kenya uga soo guuleysan karto Soomaliya ee ku aadan muran bada ee labadaan wadan

1- Kenya wa in ay adeegsataa hay’ado aqooneed iyo jaamacadeed waa isla sababtaas mida machadka Horn instute uu shir ugu qabtay 30 khubro cilmi baarayaal jaamacadeey oo kala socda africa kuwaasi oo Nairobi lagu shirinayeye 25- 26 bishaan jully 2019
2-waoow uu kiisku maxkamad yaalo hadana wuxuu soo jeedinayaa in kenya ay ka doowladeeyso oo ayadu ay gacanta ku hayasto danaheeda amaan iyo dhaqaale ee bada Soomaliaya ayado raaceysa aragtida gumeeysiga cad ” effevtive accupation” oo dalalka cadaanka ah isku siiya xaqa ay dalaka ku yeeshaaan

3-kenya waa in ay si firfircoon shaq shaq u galisaa” wadanidyada Soomaliya” si madaxda soomaliya aysan ugu suurtagali in ay kiiskaaan hubeeyso ayadoo ka faaiideysaneeyso taageerida dhinacya kale.

4-kenya waa in ay aduunka ka dhaadhicisaa ayadoo waloow ay ogoshahay raacitaanka shuruudaha caalimga ah ay misna saluugsantahay isku halaynta maxakamada caalamga ah oo ah haraadigii qowmiyadii angolo-sahon=ka oo ah dadka timaha cad (asalkooduna uu jarmal yahay).

5-Kenya ayado dooneeyso adoodooda jilacsan waa in ay ka shiftaaa danaha siyaasad–dhuleed ay wadamada khaliijka muran ka leeyihiin

6-kenya waa in ay aydoo aqoonteed iyo qalqaaladeeda adeegsaneeyso waa in ay baananka keentaa cadaymo muujinaya sharikaad saliideed caalami ee siyaasadeed in ay arintaan shidayaan kwaas oo lacago ku bixinaayo in ay soomaliya guuleysato sida uu qoraagu sheegay.

7-kenya ayadoo saameynteeda adeegsaneeyso waa in mubaadarad soo bixi karto ee amaaka africa ( african peace an security achiture) galaangal dheerada u yeelato aydoo hor geeyneeyso muaranka Soomaliya iyo Kenya.

8 -Nairobi waa in ay ugu dmbeyn xubnaha rigliga ah ee golaha qarmada midoobay, Ameerican, united Kingdom, France,Chine iyo Russia ka ka dhaadhiciyaan in xukunka maxkamada aduunka ee icj uu keeni karo khilaaf hor leh dalalka kuulada badweynta hindiya hadii la raaco jiitinta koofur ujeedka ah ay Soomaaliya Dooneyso .

Dowlada Soomlaiya gaar ahaa warsaard dabadeedka oo lagu timaamo mid habacsan oo aa lahayan fal-curin badan ayaa laga doonayaa in ay dhg u yeelato waxa socda ,sida shirka la sheegay iyo qodobadaan oo saldhig u ah siyaasada rogaal celinta ha ee kenya