Somalilad oo kasoo xirantay dhoofka xoolaha: warbixin

Qaar ka tirsan Ganacsatada reer Somaliland ee Xoolaha u dhoofiya waddamada Carabta, ayaa caqabado hor leh waajahaya, ka dib markii ay culays iyo cadaadis xooggan saareen qaar ka tirsan iskaashatada Xoolaha dhoofisa ee reer Puntland ee ku dhaqan dalka Cuman, ka dib markii ay kooto ku xidheen in iyaga keliya ay cidda xoolo u dhoofinaysa Cuman ka qaateen.


ayaa lagu soo warramayaa inay ka dambaysay Dallad guud oo ay samaysteen Iskaashatada xoolaha u dhoofiya Cuman ee reer Puntland,

ganacsatada reer Somaliland ayaa ku adkeeystay in ay Puntland ay u daba-fadhiisanayaan oggolaanshaha xoolaha loo dhoofiyo Cuman oo ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta, ee ay Dekedda Berbera ka rari jireen, haddana waxay qaarkood ku qasbanaadeen oo ay aqbaleen markay xal kale waayeen inay oggolaanshaha xoolaha ay Cumaan u dhoofiyaan weydiistaan ganacsatada reer Puntland .

bilowgii asbuucaan ayey ehehd markii sucuudiga ay dib u soo celiyeen magaalada Berbera markab siday ku dhawaad 20- kun oo Neef oo adhi ah siday,