Ganacsiga magaalada boosaaso oo albaabada loo laabay

Inta badan ganacsiga magaalada Boosaaso ayaa maanta xiran, iyadoo Boosaaso ay tahay xarunta ganacsiga Puntland.

Ganacsatada Boosaaso, ayaa ka cabanayaa canshuurta iibka, oo dhawaan la soo rogay, taas oo ku jirtay miisaaniyaddii uu ansixiyey Baarlamaanka Puntland.

Shacabka Boosaaso ayaa saaka oo Arbaco ah ku waabariistay goobaha ganacsiga oo xiran, sidoo kale Dekeda ayaa maalintii afraad waxaa taala alaabtii ganacsatada uga soo dagi jirtay.

Sidoo kale waxaa jira gaadiid kaantaroolka magaalada Boosaaso ugu xaniban canshuur.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland wali kama hadlin cabashada ganacsatada Boosaaso oo walaac ka muujiyey canshuurta iibka.

Cabashada ganacsatada Boosaaso, ayaa ku soo aadaysa, iyadoo magaalada uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Sidaan oo kale todobaadkii hore ganacsiga Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa maalmo u xirnaa cabashada canshuur iibka.