Isku socodka magaalada Ceerigaabo oo dib u biloowday

Xaalada caasimada Gobolka sanaag ee Ceerigaabo ayaa maanta dagan ka dib markii maalmihii la soo dhaafay uu halkaa ka dhacay dagaal xooganaa iyo banaanbayo kala duwan oo bulshada magaaladaasi ay ku dalabanayaan in la joojiyo dagaalka iyo rabashadaha halkaasi ka dhacay.

xalay ayaa waxaa magaaladga ceeragaabo lagu soo rogay bandaw balse maanta ayaa dib ay u bilowdeena isku isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga, Walow Qaybo kamid ah magaalada Xiisadaasi wili ay kataagantahay .

Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda gobolkaasi ayaa lagu soo Waramayaa inay Maanta ku baxeen, Kuwaasi oo ku Howlan sidii loo Xakamayn lahaa Xaalada Gobolka inta aysan Faraha ka bixin.