Ismaaciil Cumar Geele oo la saftay Xukumada Kenya, islamarkana aan ka hadlin eedeynta Dowlada Soomaaliya

Madaxwayanaha Dowlada Jabuuti Ismaciil Cumar Geele ayaa si toos ah ola saftay Dowlada Kenya, taasi oo Soomaaliya ay ku eedeysay in ay faragalin ku hayso Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Xog ay Sareeye Fm ay ilo kala duwan ka heshay ayaa u xaqiijey in warbixinti ay soo sareen Gudigii Xaqiiq raadinta kuwaasi oo uu badnaa madaxda ka socotay Dalka Jabuuti uu cadaasi ku saaray in warbixinta hal dhinac loo ja heeyo, taasi oo iskaga indhatiraayo dhibaatada Kenya ay ku hayso Shacabka Soomaaliyeed.

Dadka falaqeeya Siyaasad Geeska Africa ayaa ku timaamay warbixinta ay Soo sareen Gudigaas in aysan ahayn dhexdhexaad, islamarkana ku eedayey Madaxwayne Isamaciil Cumar Geele in uu ka dambeeyey, maadama hal dhica ay daarnayd warbixintaasi

Dowlada Jabuuti oo ah qayb kamid ah Soomaaliya, ayaa la filaayey in ay dhexdhexaad ka noqon karaan khilaafka Ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dowalada Soomaaliya Cusmaan Dube ayaa ku eedeey gudiga in ay diidaan tagida Gobalka Gado Gaar ahaan Balad Xaawo, taasi oo ahayd meesha dhibaatada Kenya ay ka gaysanasay.

Sodoo kale Xiliga lagu soo beegay warbixinta ayaa ah mid aad looga xunaado taasi oo barmadow ku noqonaysa Dowlada uu hogaaminayo Isamaciil Cumar Geele.

Madaxwaynaha Jabuuti iyo madaxdii Qaybta ka ahayd warsafdeedka ayaa ilaa hada ka hadlin warbixinta ay soo sareen, taasi oo u muuqataa raali ahaansha warbinta halka dhinac ah, islamarkaana lagu raali galinayo Xukumada Uhuuraha Kenya, oo damaceedu yahay, sidii ay u hagardaamayn lahayd Qaranimada Soomaaliy