Jabhada dib u xureynta Somaliland ee korneyl carre iyo ciidamada Somaliland oo isku horfadhiya deegaano ka tirsan degmada Ceerigaabo

Ciidamada maamulka gooni isu taaga Somaliland ayaa maanta waxaa ay saldhigyo ka sameysteen goobo ku dhaw ceerigaaboo oo ka tirsan gobolka sanaag halkaas oo ay ku xoogan yihiin ciidamada dib u xureynta Somaliland ee uu hogaamiyo korneyl saciid care.


Ciidankan ayaa waxaa hogaaminaya mid ka mid ah taliyaasha ciidamada maamulka Somaliland ee aagga gobolka sanaag iyo deeganka tukaraq waxaa kale oo iyana ay ciidamo kale ka yimaadeen galbedka magaalada hargeysa


Warar hoose oo Sareeye fm ay ka heleyso goobaha ay ciidamdaan isku horfadhiyaan ayaa sheegaya in sababta ay ciidamada Somaliland isugu fidinayaan goobaha ay ku xoogan yihiin jabhada korneyl care ay tahay in uu diiday korneylka in uu isku soo dhiibo maamulka Somaliland oo uu horey ugu tirsanaa islamarkaana ay fashilmeen wada haddallo u socday koreyl sciid saare iyo madaxda Somaliland,


Ilaa iyo haddana ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan ciidamadan ay geeysay deegaanada Ceerigaabo.
Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgarad ayaa ku Howlanaa Sidii Wadahadal loogu dhamayn Lahaa XIisada u dhaxaysa Kornayl Caarre iyo maamulka Somaliland , Iyadoo uu dhowaan Fariisin Cusub ka samaystay Buuralayda Gobolka Sanaag, kadib markii uu kasoo Ruqaansaday Deegaanka Qardho oo Saldhig uu ka helay markii hore.


Dhawaan Gobolka waxaa laga dareemay Xaalad Kacsanaan ah, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada SL iyo kuwa Jabhadda dib u xureynta Somaliland ee hogaaminayo Kornayl Caarre, taasi oo keentay inay Banaanbaxyo Rabshado watey ka dhacaan Gudaha magaalada Ceerigaabo,loogana soo horjeedo maamulka Somaliland laguna taageerayo jabhada korneyl carre.


Jabhada dib u xureynta Somaliland oo uu hogaaminyo korneyl saciid jaamac carre ayaa maamulka gooni isu taagga Somaliland horey ugu eedeyey in ay daan daansi ka wadaan deegano aysan awoodin in ay tagaan balse ay dhankooda diyaar u yihiin in ay iska caabiyaan.