KACDOON LOOGA SOO HORJEEDO XIRIRKA YAHUDA IYO IMAARDAKA OO KA DHACAY GUDAHA WADANKAS

Imaaraadka Carabka ayaa markii ugu horeeyay ka sameysmay urur siyaasadeed ka dhan ah nidaamka boqortooyada ku dhisan ee lagu maamulo wada qaar.

Dibad-baxayaal carreysan oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo kasoo horjeeda xiriirka dalkooda uu la sameystay Imaaraadka Carabta, ayaa aas-aasay urur iska caabin, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency.

Ururkan oo ay aas-aasen rag ka mid ah mucaaradka Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan Saeed Nasser Al-Taniji, Saeed Khadim Bin Touq Al-Mari, Ahmad Al-Shaybah, Hamid Abdullah Al-Nuaymi, Hamad Mohammed Al-Shamesi iyo Ibrahim Mahmoud Al-e Haram ayaa loogu magac-daray Midowga Iska-caabinta Caadiyeynta Xiriirka Israel ee Imaaraadka Carabta.

Sareeye Fm Qeybteeda arimaha dibadda gaar ahaan, qadiyada Carabta ayaa ogaatay in Imaaraadka ku furmeen mowjado siyaasadeed oo ka dhan ah Nidaamka boqortooyada.

Banaabaxyadan ay mucaaradka kow kayihiin ayaa ah kii ugu horreeyay oo nuuciisa ee dareen muujinta ah, waxaana loo aaneynayaa in maamulka haatan ka jira Imaaraadka uu horseed ka noqday qalalaasaha wadama carabta qaarkood & Soomaaliya.

Bayaan ay soo saareen ayey aas-aasayaasha ururka waxay isku dayga Imaaraadka Carabta uu xiriir kula yeeshay Israa’il ku qeexeen “qiyaameyn qaran”, waxayna intaas ku dareen in tallaabooyinka ay sharciyeynayaan qabsashada Israa’ill ee dhulalka shacabka dulman Falastiiniyiinta.

13-kii August, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis ay ka shaqeysay Washington oo dhex-maray Imaraaadka Carabta iyo Israel.

Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu baajinayey goosashada Daanta Galbeed ee ay Israel qorsheysay, hase yeeshee dadka diidan heshiiska ayaa sheegay in caadiyeynta xiriirka laga shaqeynayey muddo sanado ah, ayada oo saraakiil katirsan maamulka Isra’aal ay booqanayeen Imaraaadka, kana qeyb galayeen shirar.

Netanyahu reysal wasaraha yuhuuda ayaa toddobaadkii tegay shaaciyey in goosashada Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin, taasi oo burineysa sheegashada Imaaraadka Carabta.

”Tani waa bilowga kacdoonka isbadal keeni kara, waa wixii ka dhacay wadamada Carabta qaarkood ee mudada kuraasta isaga fadhiyay”
Waxaa sidaasi yiri Qoraa ka faalooda arimaha bariga dhexe iyo wadama carabta oo lagu magacaabo (Maajir al xubeyri).

Qoraaga wuxuu tala ahaan usoo jeediyay in maamulka Imaaraadku ka fogaadaan dhega adeeg siyaasadeed si ayna lugaha iyo madax isaga xirmin xaalka.

Isaga oo dhanka kale ururka mucaaradkana ujeediyay in ay ka dheeraadaan qalalaase siyaasadeed oo keeni kara bubur iyo dib udhac.

Horaantii bishaan August 2020ka ayey labada maamul ee Imaaraadka iyo Israa’il waxa ay wada galeen hishiis qoto dheer oo markii danbe fashil ku dhamaaday , waxaana arintasi si carro ay ku jirto uga falceliyey wadamada Islaamka kuwooda ugu tunka weyn waxaana kamid ah wadanka Turkiga iyo waliba wadanka Pakistaan oo shacabka ay u soo banan baxeen dadka reer falastiin ee yuhuudu ay boobeyso dhulkooda.