Kenya oo laba bilood loogu daraayo Dhageysiga Dacwada badeena

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa ii xaqiijiyay in muddo 2 bil dib loo dhigay dacwadda badda,iyada oo Maxkamada ay ku gacan seertay Codsiga Kenya ee halka sano

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Fiqi oo wareysi siiyey Radio Muqdisho goor dhow ayaa sheegay in Maxkamada ICJ ay dib u dhigtay mudo laba bilood ah.

Danjire Cali Fiqi ayaa sheegay in dacwada dhageysigeeda ay bilaaban doonto bisha November 04 teeda 2019 islamarkaana ay tahay waqti aad u yar.

Go’aankan Maxkamadda ICJ kasoo baxay ayaa ka dhigan in Maxkamaddu aysan fulin dalabkii Dowladda Kenya ee Baddeena nagu heysata maadaama ayagu ay codsadeen in mudo Sanad ah dib loo dhigo oo kaliya Laba bilood dib loo dhigay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu diyaar garowday dhageysiga Maxkamadda ICJ ayadoo Dowladda ay ka go’an tahay difaaca Baddeena.