Ku shubashadii Axmed Madoobe oo durbo soo shaac baxday (Qormo kooban )

waxaa hool ku yaalla magaalada kismaayo maanta ka bilowday khudbad jeedinta musharxiinta taageersan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee jubaland.

illa 6-musharax ayuu soo xushay axmed madoobe kuwaas oo dhmaantood maqaarsaar uu uga dhigay hadal jeedintii maanta  iyo marin habaabinta aayaha dadka jubaland.

2-ka mida musharaxiinta garabka axmed madoobe ayaa ku dhawaaqay in ay ka hareen doorashada kuwaas oo markii hore aysan daacad ka aheyn hogaaminta dadka jubaland.

4-musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee axmed madoobe ayaa khudbad u jeediyay boqolaal dadweyne ah kuwaas oo isugu jiray rag iyo dumar ku sugnaa hoolka ay khudbad jeedinta ka socotay.

madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee jubalabnd ayaa sheegay in 18-bilood uu deegaanada jubaland kaga saari doono al-shabaab, balse su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah 8-sanno oo uu xilka hayay muxuu al-shabaab uga saari waayay deegaanada jubaland.

iyada oo ay xusid mudan tahay in al-shabaab ay maamulaan caasimada dowlad goboleedka jubaland ee bu’aale.

layaabka ugu weyn ee lagu arkay hoolka ay khudbada ka socotay ayaa aheyd markii lagu arkay qof haweeeney ah oo lagu sheegay in ay ka mid tahay musharxiinta.

horey dowlada faderaalka iyo beesha caalamka ayaa cadeeyay in aysan ku qanci doonin wax kasta oo ka soo  baxa doorashooyinka jubaland hadii aan loo marin wadada saxda ah.

axmed madoobe ayaa weli ka dhaga adeegaya in uu ka qaato talooyinka dowlada faderaalka iyo beesha caalamka ay u jeediyaan taas oo ku aadan in so xor iyo xalaal ah ay dadka jubaland u qabsadaan doorashadooda