Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha cusub ee Ruushka

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa kulan ku qaatay xafiiska madaxeeynaa waxayna ka wada hadleen ka dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo tan Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay horumarka iyo dib u habaynta dhanka amniga iyo dhaqaalaha isaga oo Madaxweynaha kala hadlay qaabkii ay Dowladda Ruushku gacan uga geysan lahayd tababarka shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha amniga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dhankiisa danjiraha la wadaagay dagaalka ay Dowladdu ugu jirto dib u soo noolaynta xiriirkii ay la lahayd waddamada adduunka iyo sida ay uga go’an tahay inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah

ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir Putin kaasi oo ku aaddan ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka.