Mareykanka oo cunaqabateyn ugu hanjabay dalka Myanmar

Madaxwaynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa si adag u cambaareeyay afgembiga milatari ee ka dhacay dalka Myanmar, isaga oo sheegay in kuwa ka masuulka ah lagula xisaabtami doono.

Mr Biden ayaa intaa ku daray in xarigga Aung San Suu Kyi iyo hogaamiyayaasha kale ee rayidka ah ay tahay weerar toos ah oo ka dhan ah dimuqraadiyadda iyo sareynta sharciga.

Madaxawyne Biden aya baaqay in wadamada caalamka ay ka jawaabaan arrintan waxaa uuna ku hanjabay cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo dalka Myanmar haddii aysan militariga ka noqon tallaabooyiinka ay qaadeen.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa inay kulan degdeg ah ka yeeshaan afgembiga ka dhacay dalka Myanmar.