Qaar Kamid ah Maamul Gobaleedyada oo Magacaabay xubnaha ku metelaya Guddiga farsamada ee shirka Dhuusamareeb

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle ayaa Magacaabay xubnaha ku metelaya Guddiga farsamada ee dhawaan madaxda Dowlada dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay ku heshiiyeen inay ka soo shaqeeyaan hannaanka Doorashada la filayo inay ka dhacda dalka 2020/2021.

Xubnaha Puntland ku metelaya ayaa waxaa ay kala yihiin, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda iyo Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada Puntland.

Jubbaland ayaa Magacaawday , Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xamze Cabdi Barre oo ah Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, halka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu isagana Magacaabay laba xubnood oo kala ah Wasiirka arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose, Maxamed Cali Caadle iyo Madaxa Xafiiska Amniga Dowlad Goboleed Hirshabelle, Cabdi Maxamed Faarax Makaraan