Saraakiisha Jubbaland oo Sheegay in Dowladda kenya ay Gumeysi dadban ku heyso Dadka ku nool Jubbaland

MUQDISHO ( SAREEYE ) Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Jubba land oo Sheegay in Dowladda kenya ay Gumeysi dadban ku heyso Deegaano iyo Degmooyin hoostaga gobalada Jubooyinka….ff….Cabdullaahi Cabdi Xuseen

Kenya Tan Iyo Markii So Dhawatay Ku Dhawaaqista Dacwada Bada  Waxay Kenya Muujisay Isbadalo Ay Ku Caburineyso Masuliyiina Dowlada Iyo Shacabka Somnaliyeedba

Waxaa Arimahaa Kadhiidhiyay Wagaradka Cuqaasha Iyo Saraakiisha Ciidamada Xooga

Korneel Adan Rofle Oo Kamid Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubalnd  Ayaa Kahadlay Dhibatada Dowlada Kenya Ay Ku heyso Shacabka Somalia

Korneel Adan Rofle ayaa daaha kaqaday in dowlada kenya ay gacanta ku heyso guud ahaan dakadaha maamulka jubba land ayna canshur ahaan kaqaadato lacag gaareysa  boqolkiba 45

korneelka ayaa carabka ku adkeeyay in ay kenya lawareegtay qeyraadkii bada gaar ahan kaloonka oo sheegay  in laga daabulo dakadaha maamulka jubba labd

korneel adan rofle oo sii hadlayay ayaa ku baaqay in  ay cadeeyaan musharaxiinta maamulka jubba land muwqifa ay ka aminsanyihiin dowlada kenya

Si looga hortago in musharax ay wadato dowlada kenya oo kusoobaxo maamulka jubba land

gabagadii korneel adan rofle ayaa baaq udiray shacabka somliyeed asagoo ku taliyay in  lajoojiyo kala qobqobnaanta waxa uu si gaar ah ulahadlay  shacabka ku nool maamulka jubba land waxa uu ugu baaqay in ay umidoobaan kenya ayna kabaxaan kala qobqobnaanta

dowlada dalka kenya ayaa dhoor jeer soo celcelisay falcelinta ay ku heyso somalia waxaana isi sootaraya baaqyada loodirayo shacabka somaliyed silooga hortago hagar damada dowlada kenya