Shacabka magaalada Ceeragaabo oo Soomaliland ku dhaliilay colaada soo noq noqatay

Wararka ay ka heleeyso idaacada Sareeye fm magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in magaalada maanta ay degnatahy ka dib Shaqaaqo maalmihii ugu danbeeyey halkaasi ka dhacay wax walbo sida caadiga ahaa ayey manta ku soo laabteen isku socodka gawaariga iyo ganacsiga ayaana sidii hore ku soo laabtay

Shalay Madaxweeynaa xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa soo fara galiyeey arintaan asigoo ugu baaqay dadka halkaasi dhibaatada kawada in ay joojiyaan ayana ka fakaraan mustaqbalka shacabka halkaasi ku nool

Shacabka magaalada ayaa waxaa ay ku eedeeyeen maamulka soomaliland in ay hurineeyso colaada mudooyinkii danbe ka socotay gobolka Sanaag.

Sikastaba ha ahaatee colaada sokeeye ee kataagan gobolka Sanaag ayaa sababay khasaare kala duwan intii uu dagaalku socday