Xassan Cali khayre Oo Kulamo Ka Wada Galkacyo….

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada somaliya xasan cali khayre oo shalay booqasho ku tagay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa maanta kulamo la qaadanayo qaar katirsan siyaasiyiinta iyo waxgaradka kusugan magaalada gaalkacyo

Ujeedka kulamada Ra’iisul Wasaaraha oo kawado magaalada galkacyo ayaa ah sidii uu u xalin lahaa tabashooyinka ay muujinayaan bulshada reer gaalkacyo

xasan cali khayre ayaa la filayaa in waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer galkacyo ka dhaadhiciyo in ay yimaadaan magaalada dhuuso-mareeb ee xarunta maamulka galmudug uu resulwasaaraha ka furay gogosha dib u heshiisiinta iyo doorashada galmudug

Si kataba ha ahaate Ra’iisul Wasaare xasan cali khayre ayaa u xusul duubaya in uu ku qanciyo waxgaradka beelaha wada daga mudug iyo galgaduud iyadoo sidii ay galmudug kaga qabsoomi laheed doorasho loo dhanyahay .