Ahlusunna oo shaacisay in ay ku wareejisay dowladda hubkii iyo gaadiidkoodii

Somali militants from the pro-government Ahlu Sunna Waljamaca (ASWJ) group perform a religious hymn during a military exercise in the Bermuda neighborhood in southern Mogadishu, May 15, 2010. Somalia's government on March 15 agreed to bring the moderate Sufi militia group on board to fight against Islamist rebels threatening to topple the administration. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA - Tags: POLITICS CIVIL UNREST RELIGION)

Ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan Guutadda 15-aad oo u badan Ciidankii Ahlusunna ee la qarameeyay ayaa la wareegay Ammaanka Madaxda ugu sareysa Ahlusunna ee kala ah Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir , Ashcari iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Direed.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in Masuuliyadii Amnigooda , tii Magaalada Dhuusamareeb iyo masuuliyada Hubkoodii iyo gaadiidkoodiiba ay Ku wareejiyeen General mascuud Maxamed Warsame oo ah Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad horayna u ahaa Taliyihii Ciidamada Ahlusunna ka hor intaan la qarameyn ciidamada.

Waxa uu sheegay ammaanka culimadda Ahlu Sunna inuu masuul ka yahay Jeneraal Mascuud, islamarkaana culimadda aanan loo baylihin amnidaro & inay u gaarsadaan Shabaab.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay inay u tanaasuleen Bulshada deeganada Galmudug, islamarkaana ay doorbideen ammaanka dadka ku nool deeganada Maamulkaasi.

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Shaakir ayaa ku soo aadaya, iyadoo dagaal habeen hore ka bilowday Magaalada Dhuusamareeb uu soo gaaray xalay fiidkii halkaasina ah kh dhinteen dad kala duwan.

Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda waxa ay tahay mid degan, waxaana si guud ammaanka u sugaya Ciidamada dowladda Federalka Somaliya.