Caabuqa Korona oo ku sii baahaya dalalka qaaradda Yurub

Dhawr wadan oo kamid ah wadamada qaarada Yurub ayaa markii ugu horeesay lagu arkay kiisas kamid ah caabuqa Korona Feyras oo markiisii ugu horeesay ka dilaacay dalka Shiinaha.

Wadamada Austria, Croatia iyo Switzerland ayaa markii ugu horeesay lagu arkay kiisas kamid ah caabuqani Korona.  

Waxaana wadamadaasi uu gaaray kadib markii ay tageen muwaadiniin qaba caabuqani oo kaga yimid dhanka dalka Talyaaniga.

Wadanka Talyaaniga ayaana ah halka ugu daran ee uu saameynta adag ku yeeshay feyruskan marka laga hadlayo wadamada ku yaalo qaaradda Yurub, iyadoona dalkaasi laga helay kiisas kabadan 300 halka 11 ruuxna laxaqiijiyay in ay u geeriyoodeen.