Ciidamo hor leh oo lagu soo dhaweyey Magalada Doolow, islamarkana ka soo goostay Hogaamiyaha Maamulka Jublaand

Ciidamo ka tirsan Doraawiishta Maamulka Axmed Madoobe, islamarkaana ka howl gali jirtay Magalada Dhooblay oo lagu soo dhaweeyey Magalada Doolow ayaa sheegay dhibatada ay kala kulmi jireen Maamulka Kisaamyo.

Ciidaan oo uu kamid yahay talyihii Daraawishta Dhoobalay ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Madoobe, uu dano qaas ah u adeegsado Ciidamda, islamarkana uu yahay damaciisa in uu iska horkeeno Ciidamada Daraawita iyo kuwa Xooga Dalka Soomaaliya.

Taliyaha intaasi sii raaciyey in Axmed Madoobe uu qasab ku howgaliyo Ciidama Daraawishta Maamulkaasi, islamarkana qofkii ka aragtiisa ka hor imaado la xirayo, halka kuwo kale laga soo masaafurinaayo dhamaan dhulkaasi uu ka taliyo, sida hadalka uu dhigay talyaha.

Sidoo kale waxuu tilmaamay in Amxed Madoobe uu xiray, taasi oo uu kumutaystay in uu iska diiday ladagaalanka Ciidmada Soomaaliyeed ee kusagan Gobalka Gado, iyadoo lagu raali galinaayo Kenya.

Axmed Madoobe ayaa kismaayo ugu adeega Xukumada Kenya, isagaoo sharci darro u arka Ciidamda Soomaliya, balse aysan u muuqan Ciidamda Kenya ee kusagan Kisaamyo kuwaasi oo ku soogalay si sharci daro ah.