Dowladda Soomaaliya oo Amar dul-dhigtay Hay’adaha ka howlgalla dalka

Dowlada faderaalka ee Soomaaliya ayaa amar dul dhigtay dhammaan Hay’adaha kala duwan ee ka howl gala dalka kaas oo ah in a ay adeegsadaan Bangiyada Gudaha.

Wasiirka wasaaraddda qorsheynta XFS , Jamaal Maxamed Xasan oo soo saaray amarkan ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha dalka iyo dowladda dhexe ay sanadkii hore ee 2020-kii ay ku heshiiyeen in hay’aduhu ay lacagahooda dhigtaan bankiyada ku yaalla dalka, haatana la rabo in lagula xisaabtamo dhaqan-galinta heshiiskaasi.

Talaabadan ayaa waxay ku noqonaysaa dhabar jab wayn Dowlada Kenya, taasi oo markii hore ka macaashi jirtay lacago badan, islaamarkaana Dalkeeda ay fadhin jireen inta badan Hay’adaha ka howl gala Soomaaliya.

Mudadii soddonka Sanno ahayd oo Soomaaliya ay ku jirtay Burbur kuwaasi oo ay sababeen dagaaladii sokeeeye ee ka dhacay dalka ayaa waxaa si wayn uga faa’iidaystay Dowlada Kenya, islamarkaana dhaqaalaha soomaalida ka samaysay horumar dhan kasta ah.
Ilaha dhaqaale ee Kenyaatiga ka helaan soomaaliya ayaa u qeybsama ilaa saddax qeybood oo kala ah:
1- Hay’adaha gargaarka,
2- safaaradaha
3-iyo xafiisyada qaramada midoobay.

Kenya celcelis ahaan sanadkii waxay ka helaan ku dhawaad 80 tan milyan, balse talaabadani lagu amray hay’adaha in ay isticmaalaan Bank-yada Soomaalida iyo Bank-ga dhexe ee Dowlada ayaa la rumeysanyahay in ay wax badan ka badali doonti dhaqaalaha dalka qiyaastiina waxaa sanadkii kasoo xaroon kara ku dhawaad 10 milyan, Hay’adaha kaliya, marka laga reebo xafiisyada qaramada midoobay iyo safaaradaha dalka ka howl gala