Ciidamo hubaysan oo la wareegay xarumo muhiim ah

Wararka ka imaanaya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan halkaas ay maanta la wareegeen xarumo ku yaala gudaha magaaladaasi Caabudwaaq.

Ciidamadan oo gaaraya dhowr iyo todobaatan askari ayaa la wareegay gacan ku haynta Xarunta maxkamada madaniga ee Caabudwaaq iyo saldhiga Booliiska, iyagoona weli ku sugan xarumahaasi

Sababta ay ciidamadaasi ka tirsan dowladda ula wareegeen xarumahan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay inay ka cabayaan mushahar la’aan muddooyinkii dambe soo wajahday ciidanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamadan ay kamid ah yihiin boqolaal askari oo la diiwaan geliyay dhamaanka sanadkii tagay ee 2019 isla markaasna sheegay in aysan helin bilii lasoo dhaafay wax mushahar ah.