DF oo waddamada deriska ugu baaqday in ay faragelinta ka daayaan

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Waddamada Caalamka gaar ahaanna kuwa deriska la ah dalka in ay ka daayaan faragelinta arrimaha gudah Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Cismaan Baalle  oo hadal ka jeediyay shirkii Golaha amaanka Qaramada Midoobey ee looga hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in Waddamada deriska ee ku jira AMISOM ay faragelinta ka daayaan arrimaha gudaha Soomaaliya.

Isaga oo aan sheegin cidda uu tilmaamayo ayuu yiri “Jilayaasha Caalamka gaar ahaan kuwa nala deriska ah ee arrimaha amaanka ku lugta leh waa in ay joojiyaan faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya”.

Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ayaa waxay dardar xoogan galinaysaa sidii looga maarmi lahaa ciisamada nabad ilaalinta u jooga somaaliya e ammisom ayadoona ay haatan ku jirto diyaarinta ciidamada badali lahaa kuwa ammisom

Abuukar Cismaan Baalle ayaa ugu baaqay waddamada deriska in ay taageeraan dadaallada nabadeed ee ay waddo Dowladda Federaalka ah.