Dowlada Soomaaliya oo ku dhaqaaqday in aan laga qaban karin Banaan bax Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho

Dowalada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Caasiamda uu san ka dhici karin isku imaasha, islamarkana dalka uu ku saalabtay Xanuunka Covid19 oo samayn u gaystay Calaamaka oo dhan.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in maalinba maalinta ka damebeysa uu dalka kusoo kordhayo cudurka safmareenka ah ee coronavirus, kaas oo kiisas badan laga helay Soomaaliya.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in shirar dhowr ah oo dhacay iyo qiimeyn la sameeyay lagu joojiyay isku soo baxyada dadweynaha, si looga feejignaado faafitaanka cudurka COVID-19.

Waxaa uu Wasiirka sicad u sheegay in maranaba dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin dibadbax ka dhici kara Magaalada Muqdisho ha ahaado mid ay dhigayaan Mucaaradka iyo mid ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay Caasimadda Soomaaliya, isla markaana uu yaal hub farabadan, sidaasi daraadeedna aan la ogoleyn banaanbax.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya, iyadoo Xubnaha Mucaaradka ay ku dhawaaqeen Banaanbax looga soo horjeedo Dowlada Soomaaliya, ialamrkana ay cilaamiyeen Maalin jimacaha oo ku beegan 26ka Febwari.

Xubanaha Mucaraadka ayaa doonaya in dalka uu galo qalalaase siyaadeed, kaasi oo aad moodo mid dano gaar ah ay ka leeyihiin Mucasradka.

Xooga ay heshay Sareeye Fm ayaa sheegaya in xubnahah Mucaaradka ay doonayaa islamarkana uu yahay u jeedkooda in Dowalda Soomaaliya lagu furo mowjado lagu kicinaayo Shacabka ku dhaqan Caasiamada, ka hor inta aan lagaarin kiiska bada Soomaaliya ee Kenya muranka galisay.

Dowlada imaraadka iyo Kenya ayaa saamayn ku leh gudaha Soomaaliya, kuwasi oo marna doonayn in dowlad awood leh ka dhalato Soomaaliya