Dowalda Soomaaliya oo mar kale ugu baaqday hogaamiyaasha Jublaand iyo Putlaand in ay ka soo qayb galaan shirka ka socda Magalada Muqdisho

Dowlada Soomaaliya ayaa ugu baaqday Axmed Madobe iyo Siciid Dani in ay ku soo biiraan shirka ka socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga arrinsanayp Arrimaha Doorashada Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey, in hogaamiyaasha Jubaland iyo Putlaand ay ku soo biiraan Shirkaan oo uu ku baaqay Madaxwaynaha Soomaaliya.

Siciid Dani iyo Axmed Madoobe ayaa Doonaya in Dalka uu galo qalalaase siyaasadeed, islamarkaana raba in Dowladnimada Soomaaliya Meesha ay ka baxdo, iyagoo doonaya danahooda gaarka ah, iyo in Soomaaliya la hoos geeyo Beesha Caalamka.

Dhinace kale ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya James Swan oo ka qayb galay shirka Golaha Amaanka ee qaramada midoobay oo looga arinsanayo Xaalada Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaalida ay heshiis gaaraan, islamarkaana la fuliyo heshiiskii 17kii September ee 2020kii, kaasi oo uu ku sheegay xalka kaliya ee looga gudbi karo arrimaha dooroshooyinka.

Swan ayaa intaasi raaciyey in aysan aqbalayn isbar-baryaac, islamarkaana Soomaalida ay heshiis ka gaaraan xaalada Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu intaasi ku daray in ay ku dadaalayaan sidii shirka loo keeni lahaa Axmed Madoobe iyo Dani, kuwaasi oo doonaya in Soomaaliya ay gasho xaalad aysan ka soo kaban karin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee soomaaliya Maxamed C.risaaq maxamuud ayaa shirka khudbad ka jeediyay ayaa u sheegay golaha ammaanka ee qaramada midoobay in madaxweynayaasha puntland iyo jubbaland ay caqabad ku yihiin geedi socodka dooroshooyinka,dowladuna ay talaabo kaste u qaaday hirgelinta heshiisyadii siyaasadeed ee laga gaaray dooroshooyinka balse ay labada madaxweyne goboleed ay ka biyo diideen in doorosho wadar ogol ah la aado.

Baaqa madaxtooyada ka soo baxay ee ah in shirka ay yimaadaan axmed madoobe iyo saciid deni ayaa ku soo aaday xilli uu magaaladda muqdisho ka socdo shirka looga arrinsanayo arrimaha dooroshooyinka kaas oo ka qeybgalayaan madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka banaadir marka laga reebo jubaland iyo puntland