Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHR oo shaacisay in Soomaaliya ay marti galisay tiro badan oo qaxooti ah

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHR, sida ay baahisay Soomaaliya, waxay martigelisay sanadkii tagay ee 2020, in ka badan 24,000 oo qaxooti ah kuwaas oo dalalkoodi colaado ka aloosan yihiin.

Dadkan ayaa ka soo cararay dalal ay ka mid yihiin yemen,suuriya,itoobiya,kenya iyo kuwa kale.

Dowladda faderaalka ee soomaaliya ayaa dadkan dajisay xeryo ay ugu talo gashay waaana talaabadan aad u bogaadiyay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHR.

Tani waxaa sabab u ah, Rejada koraysa iyo Yididiilada kobcaysa.

Dowlada Soomaliya ayaa noqanaysa tan iyo burburkii markii ugu horeysay oo ay marti galisay tirada intaan leg oo barakacayaal ah.

Dadka falaqeeya siyaada Soomaaliya ayaa tilabadan soo dhaweyey, islamarkaana ku tilmaay in Soomaaliya ay ka soo kabanayso burburka iyo dhibaatii ku haysatay