Gudiga loo xil saaray xalinta Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya oo warbixin siiyey Madawaynha Dalka Jabuuti

Guddigii dhawaan uu Urur goboleedka IGAD u xil saaray xal u helida khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafdiga ayaa madaxweynaha u gudbiyey warbixin ka warrameysa xaaladda ammaanka ee ka jirta soohdinta u dhaxeysa dalkeena Soomaalia iyo Kenya, oo ay booqdeen, islamarkaana ay soo arkeen xaladaha labada dhinaca Ee Soomaaliya iyo Kenya.

Danjiraha Jabuuti ee Kenya Yaasiin Cilmi Buux oo Guddiga Hogaaminaya ayaa sheegay inay tageen Goobaha Xaduudaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya si ay u qiimeeyaan xaalada meesha kajirta, taasi oo Soomaaliya ku eedayasay Kenya in si shric darro ah ay ku soo gasho xadka, islamarkana ay ku disho dad shacab ah.

Buux ayaa sheegay in kulamo la qaateen Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Kenya, isagoona xusay in kulan gaar ah la yeeshen saraakiisha AMISOM ee ku sugan halkaas, si ay u xaqiijiyaan cabasahda Soomaaliya ee ku qotonta in dhigeeda Kenya ay maleeshiyaad soo dhoobtay xad beeneedka labada dal.

Dowladad Kenya ayaa gobood falyo badan ka gaystay Gudaha Soomaaliya, tan iyo burburkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya, islamarkana ka faa’idaysatay qaar ka tirsan Madaxda Soomaalida, kuwaasi oo ay kuwadato daneheeda gaarka ah, taasi oo u sahashay in ay faragaliso arimaha Gudaha Soomaaliya.

Gudigaan ayaa dhamaan gudbiyey xogta labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, inkastoo dhaaman saxafada loo soo bandhigin macaluumaadka muhiimka, balse waxaa la filayaa in maal maha soosocda loo gudbiyo Madaxda uruur Gobaleed IGAD, si xal waara looga gaaro Xiisada Soomaaliya iyo Kenya