isku dhacyo xoogan oo ka dhacay Idlib

Ciidamada taliska Siiriya oo garab ka helaya kuwa Ruushka ayaa wali wada duqeynta Idlib ee dalka Suuriya iyo magaalada Neirab oo kamid ah goobaha ugu muhiimsan ee ay gacan ku hayntooda ku tartamayaan xoogaga suuriya.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in duqaymahaasi ay ku dhinteen labaatan qof oo rayid ah kuwaas oo joogay ama degenaa goobaha ay duqayntu ka dhacday.

Magaalada idlib ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyey ka jiray dagaalo xoogan,waxaana inta badan ka barakacay dadkii ugu badnaa oo ku noolaa Magaaladaas.