kenya oo dhaqaalo xoogan ka hesha xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ee ku tamashleeya dalkeeda

Halkani waa garoon diyaarahada ee adan cadde , waxaa si jogta ah uga duula diyaraha rakaabka ah , waxeyna ukala jiheystaan dhowr qeybood sida kuwa aada Wadamada kale ee dunida iyo ku dhex safra dalka gudihiisa.
Inta badan diyaardaha laga leeyahay dalka kenya ayaa ka dhex shaqeeya airaporka Muqdisho kuwo kaloo caalami ah ahna wey ka shaqeeyaan.
Dadka garoonka ka duula waxey isugu jiraan shacab iyo masuuliyinta dowlada iyo Baarlamaanka labada aqal.
Inta badan masuuliyiinta dowlada waxey u safraan hadba Wadanka Markaa shir looga hadlaayo Soomaaliya uu ka dhacaayo sida Jabuti iyo itoobiya inkasto marba marka ka danbeysa uu soo dhamaanayo hadal heynta ah in shir looga hadlaayo aayaha soomaliya uu ka dhaco dalka kenya.
Sareeye fm waxey tagtay garooonka diyaaradaha ee adan cadde si ay u kuur gasho socdaalka ay sameynayaa xildhibaanada Baarlamaanka.
sareeye waxa ay ogaatay in inta xildhibaanada baarlamaanka ay u safraan dalka kenya qaarkood waa ay ka sii tagaan halka inta ugu badan ay u tagaan damaashaad iyo nasiino.
layaab ka weyn ma jiro in xildhibaanadii matalayay shacabka ay kor u qaadaan dhaqaalaha kenya taas oo aan dooneyn in soomaaliya ay xasilooni noqoto.
xildhibaan kasta oo ka tirsan golaha shacabka waxa uu mushahar ahaan bishii u qaataa lacag dhan 3,000$, lacagta intaas le eg inta badan xildhibaanadu waxa ay ku istcimaalaan dalka kenya.
qaar ka mida xildhibaanadaas ayaa inoo sheegay in ay madaxa ku soo dajiyaan hoteelada ku yaalla magaalada nairobi ee dalka kenya.
65% xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa fasaxyadoodu ku soo qaata magaalada nairobi ee dalka kenya waxaana afartii fasaxba ee xildhibaanada golaha shacabka galaan wadar ahaan ku baxda safarkooda,hotelka ay dagayaan, cuntadooda,iyo guud ahaan adeegyada kale ay u baahan yihiin in ka badan 1,800,000$ dhammaan lacagahaasi waxa ay ku dhacaan akoono ay leeyihiin ganacsatada kenya.
ka sakow in dhaqaalo intaas la eg ay xildhibaanada golaha shacabka ku kobciyaan dhaqaalaha kenya waxaa u sii dheer lacago badan oo kaga baxa safarka ay ku tagayaan kenya.
guud ahaan lacagaha ay xildhibaanadu qaataan waxa ay ku bixiyaan kenya waxayna dib ugu soo laabtaan dalka iyaga oo fara maran tani waxa ay saameyn aan wanaagsaneyn ku leedahaya kobaca dhaqaalaha dalka.
axmed cabdi haadi oo ah qabiir ka faalooda siyaasada ayaa sheegaya in wax laga xumaado ay tahay in xildhibaanadii matalayay shacabka ay mushaharaadkooda ku dhisaan dal aan dooneyn horumarka soomaaliya.
tan iyo markii uu soo baxay muranka ay kenya galisay badda soomaaliya wax isbedel ah kuma imaan lacagaha ay xildhibaanada baarlamaanka dalka ku kaabaan dhaqaalaha kenya.taas oo ay aad uga xumaadeen shacabka soomaaliyeed damaca guracan ee ay kenya ku soo hunguriyaysay badda soomaaliya.
shacabka soomaaliyeed ayaa horey u codsaday in la joojiyo khaatka kaas oo ah dhaqaalaha ugu badan ee ay kenya ka hesho soomaaliya hase ahaatee maji xaabin dadban ayay shacabka ku hayaan xildhibaanada kobcinaya dhaqaalaha kenya.
wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka xfs Xil. Cabdirashid Maxamud Xasan oo ka mida xildhibaanada golaha shacabka ayaa xildhibaanada ugu baaqay in ay maalgaliyaan dalkooda intii ay dorbidi lahaayeen kobcinta dhaqaalaha dalalka shisheeye
kenya ma ahan saaxiib ay isku haleyn karto soomaaliya maadaama ay horey u sheegeen masuuliyinta dalkaas in cadowgooda 1-aad ay tahay soomaaliya.
caqligu waa inuu shaqeeyaa maadaama dalalka caalamku ku tartamayaan dhaqaalaha mana haboona in dhaqaalahaaga uu kobciyo dal aan dooneyn horumarkaaga…