Soomaalida ku nool Qurbaha oo hurumar ka sameeyay Siyaasadaha Wadamada ay ku noolyihiin

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii kacaanka ee uu hogaaminayo allaha u naxriastee madaxweyne maxamed siyaad barre isla markaana ay dalka ka bilowdeen dagaalo sokeeye ayay dad badan oo soomaali ah magangalyo u doonteen dalalka caalamka.

Carruur badan oo asalkoodu soomaali yahay ayaa ku dhashay dalalka ay waaalidkood ula carareen halka kuwa kalena ay ku barbaareen.

Dadka soomaaliyeed oo lagu yaqaano firfircooni iyo isdhexgal bulsho ayaa durba la qabsaday noloshada caadiga ah ee dalalkii ay u haajireen.

Dalalka caalamka qaarkood ayaa soomaaliya u heystay dal ay adag tahay in uu ka soo kabto colaadaha isugu tagay dalkan ka mida kuwa kheyraadka badan ee qaaradda afrika.

Dadka soomaaliyeed ee ka cararay dagaaladii dalka ka socday aya hadda kaalin firfircoon kaga jira siyaasadaha dalalka caalamka.

Waxaan soo qaadanaynaa qaar ka mida siyaasiyiinta soomaalida ee saameynta ugu badan ku leh dalalka reer galbeed ee hadda xilal kala duwan.

Qaarkood waxa ay hogaamiyayaal ka yihiin magaalooyin caan ah sida maajid maajid oo ah duqa magaalada Sheffield ee dalka ingiriiska.

Maajid waxa uu ku dhashay magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer, waxaana lagu tiriyaa dadka soomaalida ee saameynta ugu badan ku leh dalka ingiriiska.

Go’aan geesinimo leh ayuu ahaa ka dib  markii duqa magaalada  Sheffield maajid maajid uu magaaladaas ka manuucay in uu soo booqdo madaxweynaha mareykanka Donald trump.

Warbaahinta dunida aya siyaabo kala duwan u tarjumay hadalka duqii Sheffield majid majid waxaana qaarkood ay ku tilmaameen in soomaaliya ay siyaasad ahaan la dagaalami karto  mareykanka.

Kuma uusan fikireyn Majid in uu noqdo duqa magaalada Sheffield

Warbixintan qofka labaad ee aan ku soo qaadaneyno waa cabdulqawi axmed yuusuf oo hadda ah madaxweynaha maxkamadda cadaalada aduunka ee la yiraahdo (icj).

Cabdulqawi waxa uu ka dhashay magaalada eyl ee gobolka nugaal 12-kii bishii September sanadkii 1948 waxaana uu ka baxay jaamacadda ummadda isagoo heerarkiisa waxbarsho ka sii watay dalka Switzerland.si la mida waxa uu barre ka soo noqday jaamacadda ummadda

Cabdulqawi axmed yuusuf waxa uu bartay sharciga balse waxa uu jeclaa in uu barto caafimaadka.

Cabdulqawi waa shaqsi 3-aad ee ka so jeeda  qaaradda afrika ee madaxweyne ka noqday maxkamadda cadaalada aduunka icj  waxaana xilkan uga horeeyay Taslim Elias oo u dhashay dalka nayjeeriya kaas oo sanadkii (1982-1985) maamulayay maxkamada icj iyo  Mohamed Bedjaoui oo u dhashay dalka aljeeriya kaas oo isaguna sanadkii (1994-1997) hayay xilka madaxweynaha maxkamadda cadaalada aduunka.

Cabdulqawi waxa uu ku hadlaaa luuqadaha soomaaliga,ingriiska,carabiga,faransiiska,iyo talayaaniga

Waana mid ka mida soomaalida saameynta ku leh dalalka caalamka.

Qofka 3-aad ee warbixinteena aynu ku soo qaadaneyno waa ilhaan cumar

04-tii bishii oktoobar sanadkii 1981 ayay ku dhalatay magaalada mudisho

Ilhaan c,llaahi cumar waxa ay noqotay mid taariikhda u gasha diiwaanka soomaalida maadaama ay noqotay qofkii ugu horeeyay oo soomaali ah haddana xildhibaaan ka noqata aqalka congresska.

Waxa ay noqotay haweeneydii ugu horeeyay ee muslim kana mid noqota aqalka congresska marka laga reebo rashida talayib.

Ilhaan waa  mid ka mida xildhibaanada ugu saameynta badan ee dalka mareykanka.

Soomaalida ku nool mareykanka ayaa aad u soo dhoweeyay markii ilhaan ay ku guuleystay in ay ka mid noqoto aqalka congresska.

Ilhaan waxa ay aad uga soo horjeeda aragtida madaxweynaha mareykanka Donald taas oo dhowr jeer ay hawada warbaahinta isu mariyeen hadalo xanaf leh

Waxaa jira Shaqsiyaad kale oo soomaali ah isla markaana saameyn ku leh siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin sida Axmed Xuseen oo ah wasiirka socdaalka,qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada iyo cabdirizaaq waaberi oo soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden.

Dadka soomaaliyeed ayaana lagu tilmaamaa kuwa aad u firfircoon isla markaana abuura isdhexgal waana sabata ay soomaalida xilalka ugu sarsare ka qabtaan caalamka.