kenya oo ka qeylisay Ciidamada uu Turkigu Tababary

Dowlada Kenya Ayaa Sii Xoojinaysa walwalkeeda Ay ka Qabto Tababarka Ciidamada Soomaaliya Iyo Dib Usoo Laabashada Awooda Soomaaliya,waxayna eedayn Ujeedisey Dalka Turkiga Tababarada uu Siinayo Ciidamada Soomaaliya .

Siyaasinta Dalka Kenya oo Waraysi Siiyey TVga Dalka ee KBC Ayaa Tilmaamay Inuu Caqabad ku Yahay Inuu Madaxweyne Farmaajo Sii Hogaamiyo Soomaaliya,Waxayna Soo Jeediyeen In Kenya Lacag Siiso Dhamaan Xildhibaanada Dalka Soomaaliya Si Xilka Uga Qaadaan.

Siyaasinta Kenya oo Qeexaya Aragtida Dowladooda Fikrada Ay Qabto Ayaa Sheegay In Xalka Kaliya Ay Helayaan Soomaaliya tahay In farmaajo Meesha Laga Saaro.

Kani Waa mid kamid ah Siyaasiyiinta Dalka Kenya Mar uu ka hadlaayay xiisada Dalalka soomaaliya iyo kenya wuxuu sheegay in xalka kaliya ee aan haysanno hadaan nahay kenya ay tahay in Madaxweyne Farmaajo meesha laga saaro. “Waxan haystaa 93 xildhibaan oo, waagi la qorayay, anigu foomamka u buuxiyay” ayuu leeyahay.

Waxu ku daray “Hadda waxan u baahannahay 120 xildhibaan kaliye”.

Mar kale isagoo Ka hadlaya Ciidamada Cirka ee Dawlada Turkigu uu Tababarayso soomaaliya ayuu yidhi“Turkey waxay si qarsoodi ah Soomaaliya ugu tababaraysaa 1000 bayloot” Waxuu is waydiiyay “Bal yaa Afrikaan ah oo haysta 1000 bayloot? waxay rabaan in ay na laayaan”.

Ugu Danbayn wuxuu yidhi’”Waa in aan UN-ka ku qeylinnaa oo afka furannaa. Dublamaasiyad waxba ma tarayso