Kenya oo sheekadii badda si aqli ah usoo dhex gelinaysaa murankii ugu dambeeyay ee Beled Xaawo-Mandheera

Wasiir Gudeedka Kenya, Fred Matiang’i, ayaa Muqdisho kaddib Itoobiya u dhoofay isagoo hoggaaminaya wefdi ballaaran oo dhanka amaanka ah, si ay ula kulmaan, RW Abiy Ahmed.

Kulanka oo shalay dhacay, waxay Kenya RW Abiy ka doonaysaa in sida la yiri uu ka caawiyo muranka sii xumaanaya ee kala dhexeeya Somalia.

Warqaadka The Star ayaa xaqiijiyey in MW Uhuru Kenyatta uu rumaysan yahay in Abiy uu ka caawin karo in ”doodda badda” lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda, sida ay la tahay Kenya.

Sanadkii tegey, wuxuu Abiy sabab u ahaa kulan Nairobi ku dhex maray Uhuru iyo Farmajo si ay uga hadlaan isla arrinta badda, balse waloow aan arrintaa lagu heshiin xitaa kulan kale oo dhacay, balse waxaa wada hadalka laga dhigay dookh furan mabda’iyan, sida ku qoran wargayska.

Wefdigan ayaa Muqdisho loogu diray dagaal beri dhowayd ka dhacay ”xadka” labada dal, kaasoo markale mad madow geliyey xiriirkii markii horeba xumaa, balse waxay u egtahay inay Kenya sheekada ula beerayso dhanka ay iyadu doonayso oo ah dhul-badeedka.

MW Somalia, Md Farmaajo ayaa aqbalay marti qaad uu u fidiyey dhiggiisa Kenya, balse weli lama muddayn xilliga uu halkaa aadayo, waana markii 3-aad ee uu muddo 2 sano gudohood ah Nairobi u aado arrintan.