Kooxda Ahlu Sunna oo Ka Soo Horjeestay Geedi Socodka Ay Wado Dowlada Faderaalka Soomaaliya : WARBIXIN

ahlu-sunna oo sanado badan gacanta ku hayay degmooyin ka tirsan gobolka galgaduud ayaa lagu eedeynayaa in aysan dooneyn maamul loo dhan yahay  iyo geedi socodka ay dowladu ka wado galmudg.

sanadihii ay gacanta ku hayeen ahlu sunna qaar ka mida degmooyinka g/galgaduud ma jirin hay’ado ka howlgalayay meelaha ay gacanta ku hayeen,waxaana shacabka ku nool degmooyinkaas aysan heysan adeegyada  aas-aasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.

dowlada faderaalka soomaaliya ayaa kooxda ahlu sunna siisay fursad ay kaga mid noqon karaan dowlad goboleedka galmudug waxaana ciidamada u dagaalamayay ahlu sunna ay dowlada ku dartay ciidanka xoogga dalka.

intaas dadaalo ah oo ay dowladu ka sameysay galmudug waxa uu ujeedka ugu weyn ahaa in la helo maamul ay ku qanacsan yihiin shacabka galmudug balse ahlu sunna oo dano gaar ah ku heysatay maamulka degmooyinkaas ayaa ka hor timid dadaalada ay wado dowlada faderaalka soomaaliya waxaana ay bilaabeen in ay iska hor keenaan shacabka galmudug iyo dowlada faderaalka soomaaliya.

hanaan kasta oo loo mari karo xasiloonida galmudug ayay dowladu ku bixisay iyadoo ay xusid mudan tahay in ahlu sunna loo ogolaaday in xil sare laga siiyo dowlad goboleedka galmudug kaas oo baalmarsan dastuurka.

ahlu sunna ma ahan dowlad goboleed waana koox gaar ah oo aaminsan aragti diimeed balse isku dayaya in ay ka hor yimaadaan dowladnimada.

madaxa xukuumadda galmudug maxamed shaakir cali xasan ayaa bilaabay in shacabka galmudug iyo ciidamada galmudug uu kala hadlo in ay ka hor yimaadaan dadaalada dowlada fderaalka ay wado balse ay shacabka galmudug ka biyo diideen khalalaasaha uu doonayay in uu ka abuuro shacabka galmudug iyo dowlada faderaalka.

dhinaca waxaa qabanqaabadii ugu danbeysay ay ka socotaa magaalada dhuuso mareeb taas oo ku saabsan shirka dib u heshiisiinta galmudug oo garwadeenka ka tahay dowlada faderaalka.

inta badan ergooyink shirka ka qeybgalaya ayaa gaaray magaalada dhuuso mareeb waxaana guud ahaan magaalada gacanta ku haya ciidamada dowlada faderaalka soomaaliya.

shacabka dhuuso mareeb ayaana aad u soo dhoweeyay dadaalada ay dowlada faderaalka ka wado galmudug.