Guulaha Ciidamada Dowladu ay gaarayaan waxey dhabar jab ku noqtay AMISOM MAQAAL

Iyadoo Dhawaan Ciidanka Xoogga Dalka La Wareegeen Deegaano Ay Sanado Badan Maamulayeen Al-Shabaab Ayaa Waxaa Awoodooda Dafiraad Ku Sameeyay Dowlada Uganda Taas Oo Eedeyn U Jeedisay Howlgalada Ay Ciidamadu Ka Sameynayaan Gobolada Dalka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Uganda, Henry Okello Oryem Ayaa Guulaha Ciidamada Xoogga Dalka Ku Tilmaamay Kuwo Dhabar Jab Ku Ah Amisom.

Henry Waxa Uu Ciidamada Xoogga Dalka Ku Eedeeyay In Marka Ay Dhamesytaan Tababarada Ay Ku Biiraan Al-Shabaab Taasi Ay Fashil Ku Tahay Howlgalka Ay Ka Wadaan Soomaaliya.

Hadalka Wasiiru Dowlaha Ugandha Waxa Uu Imaanaya Iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka Ay La Wareegeen Deegaano Dhowr Ah Oo Ka Mida Gobolada Dalka.

Howlgalo Hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage Ayay Ciidamadu Kula Wareegeen Degmada Awdheegle Oo Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose Ma Jirin Ciidamo Amisom Ah Oo Qeyb Ka Aha Howlagalka Ay Ciidamadu Kula Wareegeen Awdheegle.

Si La Mida Dhawaan Ugaandha Waxay Ku Faantay Guulaha Dhanka Ciidmada Ee Uu Gaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen Odawaa Yuusf Rage Waxaana Ay Sheegen In Gen Odawaa Uu Tababar Ku Soo Qaatay Ugandha Ayna Sharaf U Tahay Dowlada Ugandha.

Ku Dhawaad 15-Sano Oo Ay Soomaaliya Joogaan  Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee Amisom Kuwaas Oo Ka Kala Socda Qaar Ka Mida Dalalka Afrika Gaar Ahaan Dalalka Deriska La Ah Soomaaliya Ma Jirto Xasilooni Guud Oo Ay Ka Hirgaliyeen Guud Ahaan Soomaaliya Marka Laga Reebo Xarumo Dhowr Ah Oo Ay Dowladu Ku Shaqeyso.

Waxaan Daah Saarneyn In Ciidamada Amisom Aysan Daacad Ka Aheyn In Xasilooni Ay Nooqto Soomaaliya Waxaana Ujeedkoodu Ugu Weyn Uu Yahay In Ay Bil Waliba Qaataan Mushahaaraad Fara Badan Oo Ay Bixyaan Dalalka Taageera Soomaaliya.

Iyadoo Horey Ay U Ogaayeen Shacabka Soomaaliyeed Danta Gaarka Ah Ee Ay Dalka U Yimaadeen Ciidamada Amisom Ayaa Waxaa Si Rasmi Ah Arrintan U Qiray Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Ugandha Kaas Oo Si Dadban U Sheegay In Amisom Weli Ay U Baahn Tahay In Ay Ku Sii Sugnaato Soomaaliya.

Ugandha Waa Dalka Ugu Badan Ee Ay Ciidamo Ka Joogaan Soomaaliya Waxaana Bil Kasta Ay Dalka Ugandha Gaarta Lacago Malaayiin Doolar Oo Ay Askarta Ugandha U Diraan Dalkooda.

Askari Kasta Oo Ku Sugan Ugaandha Waxa Uu Ku Riyoodaa In Maalin Uun Uu Yimaado Soomaaliya Si Uu U Helo Lacagaha Badan Ee Ay Askarta Amisom Qaataan.

6-Bil-Ba Ugandha Waxa Ay Isbedel Ku Sameysa Ciidamdooda Ku Sugan Soomaaliya Si Fursad Shaqo Ay U Helaan Askar Badan Oo Doonaya In Ay Soomaaliya U Yimaadaan Lacagaha Ay Qaramada Midoobay Ku Bixiso Howlgalkam Amisom.

Dalalka Ay Ciidamadoodu Joogaan Soomaaliya Waxay Mar Kasta Mar-Marsiyo Ka Dhigtaan In Ciidamada Xoogga Dalka An Lagu Aamini Karin Amaanka Guud Ee Dalka Hase Ahaatee Ku Ilaalsanaya Lacagaha Ay Dalalkoodu Dhaqaale Ahaan Uga Helaan Howlgalka Amisom.

Sanad Kasta Waxaa Shacabka Soomaaliyeed Loo Sheegaa In Dalka Ay Ka Baxayaan Ciidamada Amisom Balse Ma Muuqato Ifafalo Muujinaya In Ciidamadan Shaqada U Soo Doontay Soomaaliya Ay Ka Bixi Doonaan Dalka.

Dalalka Deriska La Ah Soomaaliya Waa Ay Ka Go’an Tahay In Aysan Nabad Noqon Soomaaliya Waxaana Ay Ku Ilaalsanayaan Dano Badan Oo Ay Ka Helaan Soomaaliya.

Damaca Dalalka Afrika Ayaa Ku Sii Baahaya Dalal Badan Iyadoo Dalabyo Badan Ay Dirsadeen Dalal Ku Yaalla Qaaradda Afrika Taas Oo Ku Aadan In Ay Ka Qeyb Qaataan Howlgalka Amisom Ee Ay Lacagaha Badan Ay Helaan Ciidamada Ku Jira Howlgalkaas.

Geesinimada,Adkeysiga Iyo Wadaninimada Waa Qodobada Ay Ciidamada Xooga Dalka Kaga Horeeyaan Amisom Kuwaas Oo Lacago Badan Qaata Balse Ay Amisom Dafirto Tilmaamahaas Ay Leeyihiin Ciidanka Xooga Dalka.