Maamulka gobolka Banaadir oo shaqo joojin ku sameey waaxda dhulka ee dowladda hoose Xamar

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaqo joojin ku sameeyay waaxda dhulka ee dowladda hoose kadib markii sida la sheegay uu soo galay tuhun la xiriira inay musuq-maasuq sameeyeen.

Go’aankan ayaa sidoo kale lagu joojiyey dhammaan gabi ahaanba dhaq-dhaqaaqyada dhulalka ee gobolka Banaadir.

Maamulka ayaa sheegay in cabashooyin badan ay ka yimaadeen waaxdan, taasina ay keentay in shaqadeeda la joojiyo, illaa laga eegayo cabashooyinkaasi.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa lagu shaaciyay in la joojiyay dhammaan shaqadii iyo dhaq-dhaqaaqyadii Waaxda Maamulka Gobolka u qaabilsan dhulalka.

Waaxda dhulalka ee gobolka ayay shaqadeedu tahay sharciyeynta dhulalka sida bixinta warqadaha lahaanshaha dhulka ama subarloogada, fasaxyada dhismaha iyo in ay dib ygu daabacaan qofkii ay ka lunto warqada lahaansha dhulka ee loo yaqaan (Duplicate- DABLIKEET) oo ay u sameeyeen shacabka, balse waxaa la sheegay in waaxda dhulka ku xiri jireen lacago dheeraad ah in uu bixiyo ama dhulka la sharciyeeynayo uu boosas ka siiyaan muwaadiniinta soomaaliyeed ee ay shaqada u qabanayaan, Ilo kale duwan oo Sareeye Fm, ayaana sidaas u xaqiijiyay.

Waxay kaloo Sareeye ogaatay in Nootaayo gaar ah oo hab ganacsi u furan ay waaxda dhulalka ee gobolka Banaadir u diri jireen dadka si ay uga soo sameeyaan dhaqaale dheeraad ah taas oo lacagta qofka looga qaado ay u dhaxeyso 200$ ilaa 300$.

Sidoo kale marka muwaadin uu ka lumo warqada lahaanshaha dhulka ee loo yaqaano subarloogada waxa uu tagaa degmada ilaa maxkamadda waxaana celcelis ahaan uga baxda shaqsiga raadinaya subarloogadii dhulkiisa lacag gaareysa 1500$ ilaa 2000$ gorgortan dheer kadib.

Afhayeenka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta u akhrinayay Wareegtada ayaa waxaa uu sheegay in Waaxda dhulalka ay cabasho iyo dhaliilo kala duwan kasoo gudbiyeen shacabka, isla markaana sidaas shaqada looga joojiyay.