Dowlada Soomaaliya oo mar kale ku eedeysay Kenya in ay faragalin ku hayso Madaxbaanida Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in uu fashilmay qorsho ey Kenya Ku doonaysay in qayb ka mid ah dhulka Soomaalida ay ku Maamusho.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya ay weerar qaawan kusoo qaadeen degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, balse ay si geesinimo iyo wadaninimo ku jirto weerarkaas uga hortageen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

“Waxaana halkaas ku beenoobay gardarradii iyo damaacigii qaawanaa ee Dowladda Kenya ay ku doonaysay inay si aan toos ahayn u maamusho qayba ka mid ah dalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay cambaaraynayso isku daygaan fashilmay oo ay dabada ka wadday, soona qorshaysay Dowladda Kenya.

“Isku dayada noocaan oo kale ah waxay kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo sharciga adduunka labadaba. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xornimada, midnimada iyo qaranimada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowlada Soomaaliya ayaa mar kale ku eedaysay in Kenya ay faragalin ku hayso Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Dowlada Kenya oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Balad xaawo ayaa iska fogaysay in ay ka dambaysay weeraarkaasi, balse dadka falaqeeya Siyaasada geeska AFrica ayaa ku tilmaay qoraalka ka soobaxay Kenya in uu yahay marmarsiyo, kaasi oo u muuqdo boor isku qarin maamda uu fashilamay qorshihii ay ka dambaysay.

Kenya ayaa ku howlan sidii ay dabada kaga soo riixi lahayd Hogaamiyaha Jublaand Axmed madoobe iyo Janan, islamarkana doonaysa in ay ka dhexfaa’iidaysato isku dirka Soomaalida