Maamulka Gobolka Banaadir oo soo bandhigay qorshaha xal u helidda barakacayaasha

Xarunta Dowlada hoose ee Xamar ayaa waxaa lagu soo bandhigay Qorshaha 5-ta sano soo socota ee xal u helida barakacayaasha iyo bulshada ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Daahfurka Qorshaha 5ta sano ee 2020-2024 waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha Dowlada Hoose iyo Xiriiriyaha xafiiska xalka waara ee barakacayaasha Gobolka.

Qorshayaasha lasoo bandhigay waxaa kamid ahaa Naqshada dhismaha Isbitaalka Laasaleeti oo dib u habeyn lagu sameyn doono.