Maamulka Putlaand oo ku wareejisay Goroomka Boosaaso shirkad laga leeyahay Imaraadka Carabta

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa maamulka Puntland ku wareejisay shirkadda lagu Magacaabo TISL oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Duulista Hawada Puntland, Ilyaas Gebiley iyo Madaxa shirkadda TISL ayaa heshiish ku saabsan wareejinta maamulka iyo shaqada garoonka ku kala saxiiday Xarunta isutaga ee Dubai.

Shirkadda ayaa la sheegey in ay ballaarin iyo horumarin ku samaynayso garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Bishii Semtember ee sanadii 2019ka ayaa wafdi ka socda shikadaan boqosho ku tageen Magalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Maamulkasi, iyadoo markaasi aan la shaacin heshiisyo qarsoodi oo ay kala saxiixdeen Maamulka Putlaand iyo Madaxda shirkada TISL.

Shirkadaan oo fadhigeedu yahay Abuu-dubay, ayaa cusub saaxada caalamka mana jirto wax qandaaraas ah oo ay ka fulisay Soomaaliya, iyo dalalka kale, balse waxay noqonaysaa mid lagu tijaabinyo Gudaha soomaaliy waliba si sharci darro ah,

Shirkadda DP-World oo laga leeyahay Imaaraadka ayaa hore loogu wareejiyey maamulka dekedda Boosaaso, balse qoob uma qaadin dhismihiisa.

Boqortooyada Imaraadka Carabta ayaa ka faa’iidaysanaysa Maamulada qaar iyadoo heshiisyo aan sharci ahayn la galaysa qaar ka tirsan Maamul Gobaleedyada, islamarkana lagu xarashayo Dalka.

Maamulka Siciid Dani ayaa si toos ugu xiran Imaraadka Carabta, iyadoo xusid mudan in Dowlada Soomaaliya ay ka carisay Dalka, basle imaaradka ayaa xooga saaray Maamulada Putlaand Iyo Soomaalind, waxuuna si Sharci darro ah ku maamulaa Dakadaha Boosaso iyo Barbara.

Heshiiskaan ayaa imaanaya, iyadoo hada ay Gacanta ku hayso Dakada Boosaaso sharkad laga leeyahay Imaaradka Carabta, basle tani ayaa noqonaysa shirkaadii labaad oo si sharci darro ah ku maamulaysa mid kamid ah garoonaada Soomalaiya